Askari ka tirsanaa AMISOM oo ku geeriyooday weerarkii dhismaha hidaha iyo tacliinta sare

by admin | Tuesday, Apr 14, 2015

Muqdisho : HN :– Weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah ayeey kooxo hubeysan barqanimadii maanta ku qaadeen dhismaha wasaarrada hidaha iyo tacliinta sare, waxaana weerarkaa inta la og-yahay ku dhinta 15 ruux oo uu ka mid ahaa askari ka tirsanaa ciidammada midowgga Africa AMISOM.

Al-shabaab oo sheegatay weerarkan ayaa waxay ku billaabeen qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, Soldiers stand near the wreckage of a car bomb that was detonated at the gates of a government office complex in the capital Mogadishu, Somalia Tuesday, April 14, 2015. A number of people were killed on Tuesday when attackers stormed the ministry of higher education after a suicide car bomber detonated his vehicle at the gate of the office complex, opening the way for gunmen to enter, according to a senior police officer. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)iyadoo qaraxa is-miidaaminta ah kaddib ay gudaha u galeen dhismaha wasaaradda; halkasoo ay ka bilaabatay rasaas ay is-dhaafsanayeen kooxdii xoogaggii weerarka qaadday iyo ciidamadii ilaalada ka hayay wasaradda.
Saraakiisha ammniga dowladda Soomaaliya oo ka hadllay weerarka ayaa ku faanay in mudo 15 daqiiqo gudaheed ah ku soo afjareen weerar la mid ahaa kii lagu qaaday jaamacada Gaarisa, iyaga oo intaa ku darray in Al-shabaab u suurtagalin damacoodii ahaa in ay gudaha u gallaan xarunta.
Laakiin afhayeen u hadllay Al-shabaab ayaa sheegay in xoogagooda gudaha u galeen dhismaha, islamarkaana gaareen ujeedadii markii horeba weerarka loo qaaday.
Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!