Askari ka tirsanaa ciidammada Jabuuti oo ku dhintay dagaal maanta ka dhacay magaalada Beledweyne

by wadani | Sunday, Dec 13, 2015

Beledweyne : HN :– Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidammada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM uu hal askari uga geeriyooday dagaal culus oo maanta ka dhacay magaaIMG_F5502B-DD4F33-5134E8-DFE7E9-9CCBFC-C9524Alada Beledweyne, kaddib markii barqannimadii maanta ciidammada isku dayeen in ay kala dhax-gallaan dhinacyada dirirtu dhaxmartay.

Saraakiisha ciidammada AMISOM ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyay wararka sheegaya geerida askariga, hasse ahaatee ilo xog-ogaal ah oo siweyn ugu dhaw dhaw ciidammada Jabuuti ayaa sheegay in askariga uu u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray.

Xaalada magaalada Beledweyne ayaa xiligan degan, waxaana mar marka qaar laga maqlayaa aagaga ay isku hor fadhiyaan ciidammada rasaas ay isku ridayaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Hiiraan Net./

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!