Askari labo qof oo rayid ah ku dilay magaalada Jalalaqsi

by Yahye | Friday, Dec 19, 2014

Jalalaqsi; HN;- Labo qof oo rayid ah ayaa dhimatay, labo qof oo kalena way dhaawacmeen, kaddib markii askari ka tirsan ciidamada dowlada uu rasaaseeyay gaari xamuul ah oo marayay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dadkan dhintay iyo dhaawacmay ayaa dhamaantood saarnaa baabuurka. warka ayaa intaa ku daraya in askarigii dilka geeystay gacanta lagu dhigay, uuna ku xiran yahay saldhiga ciidamada ee magaalada Jalalaqsi.

Saraakiisha ciidmada ee magaaladaasi ayaa xaqiijiyey dilka uu geystay askariga ka tirsan ciidamada dowlada iyagoona sheegay in uu rasaas la dhacay baabuurka rakaabka ah ee dadka shacabkaahi la socdeen, askarigan ayaa la sheegay inuu doonayay inuu ka qaato lacag sharci-darro ah.

Baabuurka la rasaaseeyey ayaa wuxuu ku socday magaalada B/weyne.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!