Askari toogasho ku dilay taliyihii ciidammada garoonka diyaaradaha Boosaaso

by wadani | Monday, Dec 7, 2015

Boosaaso : HN :–Wararka ka imanaya magaalada Boosaas ee xarunta gobolka Barri ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidammada Puntland uu toogasho ku dilay taliyihii ciidammada garoonka diyaaradaha Boosaaso Col. Xasan Shire Amaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askariga rasaas uu ku furay taliyaha, iyadoo taliyaha u geeriyooday dhaawac ka sootaliye-garoonka-280x175 gaaray rasaasta.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in durbaba askarigii toogashad geystay uu durbaba meesha ka baxsaday, lamana oga sababta uu u dilay, iyo waxa ka dhaxeeyay, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa wada howl gallo lagu baadigoobay askariga dilka geystay.

Ciidamada ayaa baaritaano ka wada qeybo ka mid ah magaalada iyo koontaroolka koofureed, waxaana baaritaankan uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa magaalada.

Ugu danbeyntii, Col. Xasan Shire ayaa in muddo ah soo ahaa taliyaha ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha, waxaana xilligan garoonka diyaaradaha Boosaaso ku socda dhisme ballaaran.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!