Askarigii dilay taliye ku-xigeenkii ilaalada madaxtooyada la qabtay

by wadani | Wednesday, Jan 4, 2017

Muqdisho : HN :- Saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay askari katirsanaa ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya , askarigan ayaana maalmo kahor Xarunta Madaxtooyada ku dilay Taliye kuxigeenkii ciidanka ilaalada Madaxtooyada.

Askariga dilka geestay oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa dilka kadib ka baxsaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna askriga u cararay dhinaca gobolka Baay halkaas oo ugu dambeyn lagu qabtay.

Saraakiil katirsan Ciidanka Madaxtooyada ayaa laga soo xigtay in askariga shalay galinkii dambe lagu qabtay Degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay xili uu isku dayay in uu baxsado, waxaana hada gacanta ku haya askarigaasi ciidamo katirsan dowlada.

Askarigan ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu ku dhax dilay Cabdi Cabdulle Qoorgaab oo ahaa Taliye kuxigeenkii ciidan ka Ilaalada Madxatooyada, waxaana dadban isweediinayaan sida fudud uu ku baxsaday askari xarunta Madaxtooyada dil ka geesaty, iyadoona la ogyahay ciidamada badan ee ilaaliya xaruntaasi.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!