Askarigii ka danbeeyay dilkii Wasiir Cabbaas oo xukun dil ah lagu riday

by wadani | Monday, Jun 19, 2017

Muqdisho : HN :- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku riday askarigii ka dambeeyay dilkii magaalada Muqdisho loogu geestay Allaha u naxariisee Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumada Soomaalia Cabaas Sheekh Siraaji.

Kiiska dilka Wasiir Cabaas Siraaji ayaa Maxkamada ciidanka Qalabka sida u fadhiisaa dhoor jeer, waxaana ugu dambeyn lagu helay in dilkii Wasiirka howlaha Guud uu ka dambeeyay askari katirsanaa ciidanka dowlada oo ilaalo u ahaa Hanti dhowrihii hore ee Qaranka Dr Nuur Faarax.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqa in Maxkamada Ciidanka ay Xukun dil ah ku riday Dable Xoogga Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) oo lagu helay in uu ka dambeeyay dilka Wasiir Cabaas.

“Taariikhdu markay ahayd 14/06/2017, Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka Sida waxay mar sadaxaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay eedaysane Dable Xoogga Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah ina Nadiifo Faarax Cabdi ku dhashay Galgaduud ka tirsan Ciidanka Badda XDS, Kaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeeyay dambiga ah dil bareer ah kadib markii uu 2(labo) xabadood ku riday gaari uu watay Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiirkii hawlaha guud iyo dib udhiska Xukuumada Federaalka hal xabad oo ka mid ahna ay wajiga kaga dhacday marxuumka sidaasna uu ku geeriyooday. 03/05/2017 abaaro 19:00 habeenimo ,sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in Tr 28/04/2017 abaaro 15:00 galabnimo uu sameeyay isku day dil kadib markii asagoo saaran gaari qooqan ah uu ku qabtay qorigii uu watay taliyaha saldhiga X/jajab iyo askartii la socotay oo shaqo ka haayay Isgoyska ceel-gaab sidaasna looga qaaday Eedaysanaha qorigii uu watay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay cadeymo muujinaya in uu dilka ka dambeeyay askarigan lagu helay sidoo kale uu Maxkamada ka hor qirtay.

“Markay aragtay cadaymaha la horkeenay maxkamada horteeda oo ay ka mid yihiin cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha, sawirada laga qaaday baabuurta la isticmaalayay, cabirada laga sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, qoraygii loo adeegsaday dilka, warqada cadaynta dhimashada marxuumka, iyo warbixinta ay soo gudbiyeen waaxda baarista cilmiyaysan markay dhagaysatay Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanaha.
Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in D/le Xoogga Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid), uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay waxayna ku xukuntay Dil toogasho ah, oo ah qisaasta marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji Sidoo kale maxkamadu waxay Amraysaa in xabsiga laga siidaayo Cusmaan Salaad Barre oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliyed, hadii aan loo haysan dambi kale Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.” Ayuu yiri Shuute.

Dilka uu askarigan u geestay Wasiirkii ugu dhalinta yaraa Xukuumada Soomaaliya sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya waxaa si weyn uga naxay ugana carooday guud ahaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan Dhalinyarada .




Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!