Scroll to Top

Hiiraan | Hiiraan Net | Wararka somalia | Somali news | Warar, Quraan iyo Tafsiir.

Hiiraan | Hiiraan Net | Wararka somalia | Somali news | Warar, Quraan iyo Tafsiir.


Somali

This user hasn't shared any profile information

Kenya : HN :– Saraakiisha ciidamada booliiska ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay su[aalo weydiinayaan shaqsi looga shakisan yahay in uu ka tirsan yahay Al-shabaab sidda ay hadalka u dhigeen kaasoo la qabtay isaga oo sita 23 baasaboor. Qofkan ciidamada Kenya gacanta ku dhigeen oo lagu magacaabo Karimjee Ahmed Ali ayaa waxaa lagu qabtay isagoo wata illaa 23 Baasaboor, oo...

Sool : HN :– Wararka waqtiga naga soo gaaraya deegaannka Saax-dheer ee gobolka Sool ayaa sheegay in aroornimadii hore ee saakay gudaha u galleen deegaankaas ciidammo aad u hubeysan oo ka tirsan maamulka Soomaaliland. Weerar aad u culus oo saacadihii hore ee saaka ay ciidamada Somaliland ku qaadeen deegaankaas ayaa sababtay in ay qabsadaan deegaanka oo maanta lagu...

Kismaayo : HN :– Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xaalad nabad-galyada siweyn loo adkeeyay, waxaana la fillayaa in saacadaha soo socda uu halkaa gaaro Col Barre Aadan Shire Hiiraale iyo ciidammo boqolaal gaaraya oo uu horkacayo. Kaddib kulan maalintii shalay deegaannka Goob-weyn ee dulleedka Kismaayo...

Garoowe : HN :– Madaxweyne C/wali Max’ed Cali Gaas iyo wafdi oo uu hogaaminayo safaro shaqana ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Itoobiya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji...

Boosaaso : HN  :– Maxkamada ciidammada qalabka sidda  ee Puntland ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridey eedaysaneyaal isugu jiray askar iyo rayid. Eedeysanayaasha maanta maxkamadda la horkeenay oo ahaa shan qof, waxay afar kamid ahi ka tirsan yihiin ciidamada asluubta ee ka howlgala xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso. Qofka rayidka ah oo lagu magacaabo Maxamed...

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qeyb geli doonaan xafladda caleemo saarka loo sameynayo Madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Wafdiga madaxweynaha  uu hogaaminayo waxaa ka mid ah wasiirka Arrimaha...

Buuula-mareer : HN :– Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xiisad dagaal iyo dhaq-dhaqaaqo militari oo xooggan ay  ka taagan yihin deegaannka Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose. Dhaq-dhaqaaqyada militari ayaa la sheegay in ay wajahan yihiin sidii xoogaga Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Sh/hoose. Ciidamada...

Muqdisho : HN :–Taliska ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar soo baxay oo sheegayay in ciidamada AMISOM isaga bixin doonaan Soomaaliya sanadka 2016-ka. Hadalka ka soo baxay ku-xigeenka wakiilka gaar ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Lydia Wanyoto ayaa jawaab u ahaa war lugu sheegay inay AMISOM labo...

Kismaayo : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba ayaa sheegaya in madaxtooyada magaalada ay weli ka socdaan kulamo ay yeelanayaan madaxda maamulka KMG ah ee Jubba iyo wafdi wasiirro ah oo ka socda xukuumadda Soomaaliya. Kulamada ayaa looga hadlayaa sidii loo qaban lahaa shir dib-u-heshiisiineed oo loo qabto beelaha wada dega...

Muqdisho : HN :– Talisyada ciidamada xoogga dalka iyo kan AMISOM ayaa sheegay inuu billowday wajigii labaad ee howlgal ay kaga saarayaan gobollada dalka qaarkood Xarakada Al-shabaab, howlgalkaasoo ay ugu magic-dareen Indian Ocean. Jen C/risaaq Khaliif Cilmi abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay inuu billowday howlgalka ka dhanka ah Xarakada...

Muqdisho : HN :– Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ku sugan xubno wasiiro ah oo ka socda xukuumada Soomaaliya kuwaa oo la sheegay in ay halkaa ku joogaan dhismaha maamul ka kooban saddexda gobol ee Baay , Bakool iyo Shabeellaha hoose. Hadaba Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda...

Beledweyne : HN :– Wasiirrka wasaarrada gadiidka iyo duulista hawada xukuumada Soomaaliya Saciid Jaamac Qoorsheel wafdi la socda ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wasiirrka iyo xubnaha wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada midowgga...

Ankara : HN :–Wasiirka Gaashaandhiga Dawlada Federaalka Soomaaliya Gen: Maxamed Sheekh Xassan ayaa Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Ankara ee Caasimada Wadanka Turkey. Wasiirka iyo wafti uu Hogaaminayo ayaa casumaad ka helay Dowlada Turkiga gaar ahaana Wasaarada Difaaca , isagoona maanta Wasiirku la kulmay dhigiisa Wadanka Turkey. Labadaan masuul iyo wufuudooda ayaa...

Muqdisho : HN :– Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay ina y ku howlan-tahay dhameystirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee mudug iyo Galgaduud. Xilligan si loo anba qaado dhismaha maamulka dowladda waxaa ay magab-tay guddiga farsamo ee u xilsaaran dhisidda maamulka gobollada dhexe ee dalka. Guddigaan farsamo ayaa ka shaqeyn doona sidii loo dhisi lahaa maamul-goboleed-ka...

Muqdisho : HN :– Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya C/raxmaan Max’uud Tuuryare oo ka hadllayay go’aamo ay soo saartay maxkamada ciidamada qalabka sidda, ayaa sheegay in uu uga digayo shaqaallaha dowladda in ay xogta la wadaagaan Al-shabaab. “Cadowgu wuxuu mar walba isku dayayaa inuu dad ku yeesho shaqaalaha dowladda...

Tiyeegloow : HN :– Ciidaamda dowladda federaalka Soomaaliyaa iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay billaaben howlgal lugula dagaallamo Al-shabaab. Howlgalka waxaa lugu sheegay inuu yahay mid lugu doonayo sidii Al-shabaab looga saari lahaa gobollada koonfurta oo ay deegaanno badan ka taliyaan. Bilowga howlgalka oo wajiga labaad ah waxaa...

Addis Ababa : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed ayaa kaga qayb-galay Addis Ababa shir looga hadlayo colaadda dalka Koonfurta Suudaan, taasoo soo taagnayd illaa dhammaadkii sannadkii hore. Shirka oo ay ka qaybgaleen dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlay sidii lagu joojin lahaa colaadda dabada-dheeraatay...

Djabuuti : HN :– Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in gallinkii danbe ee maalintii shalay laga maqlay garoonka diyaaradaha dalkaas rasaas culus, xilli uu halkaas ka dagayay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Wararka ayaa sheegaya in askariga rasaasta furay ay murmeen ruux kale ka hor intii uusan rasaasta fulin, iyadoo la taliyaha...

Kismaayo : HN :– Waxaa gallinkii danbe ee maalintii shalay gaaray magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, wafdi ballaaran oo isugu jiray wasiiro iyo xubno ka socda urur gobolleedka IGAD oo uu horkacayay wasiirrka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre. Xubnaha wafdiga oo siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo...

Baydhabo : HN :– Dad isugu soo baxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta dab qabadsiiyay sawirrada ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed Max’ed iyo danjiraha QM ee Soomaaliya Nicholas. Wararku waxay sheegayaan in dadka dibed baxaya iygaoo socod ku maray waddooyinka Baydhabo, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo looga soo horjeedo dowlada Somalia oo diiday...

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliy C/wali Sheekh Axmed Max’ed ayaa baajiyay maanta safar uu ku tagi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Waxaa sabab looga dhigay baaqashada uu maanta ku iman lahaa magaalada Baydhabo inuu safar degdeg ah uu ugu ambabaxayo magaalada Addis abab ee dalka Itoobiya, iyadoo maanta ammaanka magaalada...

Baydhabo : HN :– Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo dowaladda Soomaaliya iyo danjiraha QM ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo. Gaar ahaan waxaa wararku sheegayaan in dibadbaxa agu diidanaa safar la fillayay in maanta ay ku tagaan  Baydhabo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed iyo Nicholas...

Muqdisho : HN :– Kulan ay xalay isugu yimaadeen guddi uu madax u yahay ku xigeenka ra’iisul wasaaraha, Ridwaan Xirsi Maxamed ayna ka qaybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somalia, maamulka gobolka Banaadir iyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa cabashooyinka ay dowladdu u soo gudbiyeen qaar ka mid ah ganacsatada suuqa...

Muqdisho : HN :– Col Cali Aadan Xamud afhayeenka howlgalka midowgga Africa AMISOM  ayaa sheegay in dhawaan billaabanayaan wajigii labaad ee howl-galka ka dhanka ah Al-shabaab, si ay uga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka. Afhayeenka ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen qaybtii hore ee howl-gallda ayna haatan billaabayaan qeybtii labaad, si howlaha...

Marka : HN :– Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siddii ayaa markii ugu horeysay ka hadllay xariga guddoomiyihii degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Cismaan Sheekh Cali Buuraalle. Waxaa uu ku eedeeyay guddoomiyaha in uu isku dayay in uu dilo saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale, isagoo sidoo kale ka biyo diiday in laga qaado...

Muqdisho : HN :– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda India u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Yogeshwar Varma. H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh, ayaa kulan la qaatay Safiirka...

Buula-burte : HN :– Wararka naga soo gaaraya deegaannka lagu magacaabo Beera-yabaal ee ka tirsan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in iska horimaad khasaare ballaaran sababay uu halkaa ku dhaxmaray ganacsato khaad oo soo laabtay degmada Buula-burte iyo Al-shabaab. Dagaalka ayaa sidda wararku sheegayaan waxaa ku dhintay dad tiradooda gaareyso lix...

Muqdisho : HN :–Ciidamada dalalka Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya ayaa mar kale sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay ku sugto amniga Muqdisho. Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobollada,Banaadir iyo labada Shabeelle,Dick Alum ayaa saxaafadda kula hadlay Muqdisho,waxuuna sheegay inay labo laabayan sugida amniga Muqdisho. “Soomaaliya...