Scroll to Top

Hiiraan | Hiiraan Net |

Hiiraan | Hiiraan Net | Wararka somalia | Somali news | Warar, Quraan iyo Tafsiir.


wadani

This user hasn't shared any profile information

Muqdisho : HN :-Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo Howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay rag ka tirsan ururka Al-shabaab. Howlgalkan Ciidamada ay fuliyeen ayaa wuxuu si gaar uga dhacay degaan lagu magacaabo Danwale oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay warbaahinta Dowladda u sheegeen Saraakiisha...

Hargeysa : HN :-Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan. Muuse Biixi ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19% codadkii la dhiibtay.. Muuse Biixi oo sanadihiisa lixdamaadka ku jira ayaa noqonaya madaxweynihii shanaad...

Zimbabwe : HN :-Sharci dejiyeyaasha dalka Zimbabwe ayaa la filayaa inay maanta billaabaan hanaan ay xilka kaga qaadayaan madaxweynaha talada haya muddada fog ee Robert Mugabe, kadib markii uu iska dhego tiray waqtigii loo qabtay inuu isku casilo. Xubnaha xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa rajo ka muujiyey in tallaabaan lagu soo geba gebeyn doono muddo toddobaad gudihiis...

Muqdisho : HN :-Mareykanka ayaa laba jibaaray ciidamada ka jooga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Kooxda Al-Shabaab iyo Kooxda ISIS ee ku sugan Buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland. Saraakiil sar sare oo ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in sanadihii la soo dhaafay la kordhiyay Ciidamada ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo la gaarsiiyay illaa 500 askari. Waa tiradii...

Nairobi : HN :-Rabashado xoogan ayaa ka billowdey deegaanka Kisumu oo ah halka uu kasoo jeedo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Rail Odinga. Mudahaaadyo ay dhigayaan dad u badan dhallinyaro ka careysan go’aankii maxkamada sare ee dalka Kenya ay ku diidey Isniinnta maanta ah dacwad ka dhan ka doorashada madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa halkaasi ka socdo. Maxkamadda...

Hargeysa : HN :-Musharraxa madaxtinimada xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashadii madaxtinimada ee 13-ki bishan November ka dhacday Somaliland. Cabdirraxman Cirro ayaa sheegay in doorashada ay ku gaddaamantahay madmadoow fara badan badan, taasoo dhalisay buu yiri musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan...

Muqdisho : HN :-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormoor shaqo oo uu ku tagey xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka ka sheegay in Xukuumaddu ay xooga saareyso la-dagaalanka musuq-maasuqa, maadaama barnaamijka dawladda ay ugu muhiimsan tahay isla-xisaabtanku. Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali...

Dubai : HN :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho labo cisho ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wadahadallo la yeeshay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan. Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo...

Muqdisho : HN :-Wasiirka Maaliyadda ee dowladda federaalka ah Xil. Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta golaha shacabka hor-geeyay faahfaahin ku saabsan miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2018-ka. Miisaaniyadda  2017-ka waxaa ay aheyd $245.9 Milyan balse middan cusub waxaa lagu sameeyay isbadal yar. Wadarta Miisaaniyadda La Qoon-deeyay: Miisaaniyadda dowladda federaalka...

Muqdisho : HN :-Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa Maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo ka tirsan XDS. Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada...

Muqdisho : HN :-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kala hadlay Shariif Xaaladda Soomaaliya iyo sidookale sidii uu kaga qeyb qaadan lahaa dejinta Xiisaddaha kala duwan ee ay wajaheyso Xukuumadda Soomaaliya. Sheekh...

Nairobi : HN :-Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta. Lixda garsoore ee dhageysanaysay dacwaddan ayaa isku raacay laalida guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay. Go’aankan ayaa waxa uu waddada u xaarayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo. Maxkamadda...

Jowhar : HN :-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhowaaqo Gole Wasiiro oo aysan xubno ka ahayn xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle. Kulamo saacadihii la soo dhaafay ka socday Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa la sheegay in is afgarad laga gaaray, iyadoo Madaxweyne Waare uu...

Dubai : HN :-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Shalay gaaray Wadanka Iskutagga Imaaraadka Carabta ayaa Xalay Kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Wadankaas,waxaana uu kala hadlay Arrimo dhowr ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Kulan ay Albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Amiirka Wadanka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bini Sayed...

Muqdisho : HN :- Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada militariga Soomaaliya ay Al-shabaab ka saari doonaan degmada Salbaale ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ay hadda Maamulaan Xarakada Al-shabaab. Ibraahim Aadan Cali oo ka mida Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Tilmaamay in Degaanada Hoostaga Degmada Sablaale ay Al-shabaab...

Muqdisho : HN : -Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa lagu weeraray Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley, kadib markii dabley gaari wadatay ay rasaaseeyeen ciidankaasi. Ciidanka la weeraray ayaa ku sugnaa goob lagu baaro gaadiidka oo ku taallo Suuqa Xamar Jadiid, waxayna tiradooda gaaraysa illaa saddex askari mid ka mid ah askartaasi ayaa ku dhaawacmay...

Muqdisho : HN :-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warqad uu 9-kii bishan u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn, wixii ka dambeeya October 2017 la bilaabi doono in canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada. Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah...

Muqdisho : HN :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada...

Muqdisho : HN :-Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jabisay Cunaqabateynta Hubka ee Saaran  Soomaaliya. Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay si sharci daro hub uga iibisay maamulada dalka ka jira Qaarkood ,taasina ay jabinayso cunaqabeynta hubka ee Saaraan Soomaaliya Kooxda dabagalka u qaabilsan...

Egyptian President Abdel-Fattah el-Sissi, for the second time in as many days, has delivered a stern warning to Ethiopia over a dam it is building after the two countries along with Sudan failed to approve a study on its potential effects. Ethiopia is finalizing construction of Africa’s largest hydroelectric dam on the Blue Nile. Egypt fears that will cut into its...