Axmed Daaci oo bil kaddib xoryadiisii dib u hellay

by admin | Saturday, Sep 20, 2014

Muqdisho : HN :– Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xassan Cadow [Axmed Daaci] ayaa la sheegay in bil kaddib laga sii daayay xabsiga, kaddib markii bishii hore ciidammada nabad-sugida howlgal ka sameeyeen guriga uu ka degnaa degmada Wadajir oo lag soo saaray hub.

Sida wararku sheegayaan sii deynta Axmed Daaci ayaa waxaa amar ku bixiyey taliyaha ciidanka nabad sugida Qaranka  C/llaahi Max’ed CaliGE DIGITAL CAMERA Sanboloolshe.

Axmed Daaci ayaa la soo xiray bartmihii bishii hore ka dib markii maleeshiyo beeleed isaga ilaalo u aheyd ay kula dagaalameen degmada Wadajir ciidamo tirsan AMISOM iyo dowlada oo doonayay iney hubka ka dhigaan, waxaana dagaalkaas ku dhintay dad ka badan 10 ruux halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sii deynta Axmed Daaci ayaan timid xili aan maxkamad ah loo soo taagin dembigii markii hore loo xiray, iyadoo masuuliyiinta dowladana aysan illaa hadda faahfaahin ka bixin sababta iyo qaabka ay ku timid sii deyntiisa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!