Axmed Macalin Fiqi” waan dhaliilsanahay guddiga farsamada dhismaha M gobollada dhexe

by admin | Monday, Dec 29, 2014

Galguduud : HN :– Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka gobollada dhexe la fillayo in loo dhiso,ayaa dhaliil u jeediyay guddiga fasamada dhismaha maamulka oo uu sheegay in aysan wax shaqo ah qaban tan iyo markii la magacaabay.

Musharaxa Axmed Macalin Fiqi oo shalay gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in muddo shan bilood uu dhisan yahay Gudiga farsamada Maamul u sameynta Gobolada dhexe, ilaa iyo hadana howshii laga sugayay aanay qaban.

“Gudiga farsamada ilaa iyo hada waxa ay magacaaban yihiin muddo shan bilood, bishii July 30 ayaa la dhisay, sanadkanFiqi3 sii dhamaanaya wali waxba ma aysan qaban, marka waa nasiib daro in wali gudigaas ay iska joogaan magaalada Muqdisho”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Waxaa uu intaa ku darray in maamulada kale ee gobolada dalka ay muddo saddex bilood kaliya ku dhismeen, balse uu la yaaban yahay sababta loo de-dejin la’yahay maamulka Gobolada Dhexe sida uu yiri.

Maamulka Gobolada Dhexe ayaa lagu wadaa in horaanta sanadka cusub la dhiso, iyadoo Gudiga farsamada maamulkaas ay isu diyaarin lahaayeen inay u kicitimaan Gobolka Galgaduud oo qorshuhu yahay in lagu qabto shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe, gaar ahaan magaalada Cadaado oo gogosha lagu qaban doono

Musharaxiin badan ayaa isku soo taagay xilka Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, kuwaasoo bilaabay olole ay ku doonayaan sidii xilkaas loogu dooran lahaa, inkastoo aan wali la dhisin Ergadii dooran lahaa ee ka kala imaan laheyd deegaanada Mudug iyo Galgaduud.

 Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!