Axmed Madoobe” guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ma qoys ayuu matalaa

by admin | Sunday, May 24, 2015

Kismaayo : HN :– Hogaamiyaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Jubba Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa shir jaraa’id ku weeraray baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii ugu danbeeyayba ka doodayay sharci ahaanshaha baarlamaanka maamulka Jubba.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uu fahmi la’yahay hab dhaqanka baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo intaa ku darray in shaqadooda ay ku soo uruurtay oo kaliya mooshin ka guur, mooshin u guur.

“Waxaa is leeyahay waxa xamar ka socdo ee Baarlamaanka uu wado waa fahmi la’yahay, shaqadii baarlamaanka waxay ku sooaxmedmakdid uruurtay mooshin, Mooshin ka qaad iyo mooshin u guur waxaa garan la’yahay jubaland ma baarlamaanka Federaalka dhisay, ma isaga dhulka xoreeyay, ma iyaga shirka u qabtay, ma igaya sameeyay, waxay ka bixi la’yihiin iska daba wareeg”ayuu si kulul u yiri Axmed Madoobe.

Siddoo kale, hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa si kulul u weeraray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari oo uu ku tilmamay in uu yahay shaqsi qoyskiisa matala oo kaliya.

”Marka aad u sii fiirsato sidda uu u dhaqmayo guddoomiyaha baarlamaanka waxaad is leedahay ma qoyskiisa ayuu matalaa mise waa shaqsi Qaranka u shaqeeya, waxaa leeyahay marka adeer haddii aad qoyskaada matasho dadka ha lugooynin, haddii kale sharciga ilaali ayuu yiri” hogaamiyaha maamulka Jubba.

Dhinaca kale mar uu ka hadllay madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku tilmaamay in uu yahay shaqsi shaqada socta aan waxba ka ogeyn islamarkaana aysan jirin cid wax ka maqleysa.

“Madaxweynaha waxaa Oday Soomaaliyeed, aad buu u dadaalayaa, isaga yimid xaflada xiray, waa ninka sharciga ilaalinayay, waa inuu Madaxweynaha meesha ka muuqdaa ama ka maqnaadaa, isla markaana Go’aan dastuuri soo saaraa”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba ayaa sidoo kale waxaa uu eedeeyay Maamulka Koofur Galbeed, isagoo xusay inuu dagaal qabiil laga soo gudbay uu hurinayo, waxaana uu ugu baaqay inay joojiyaan riyo maalmeedka.

“Koofur Galbeed waxaa rabaa inaa u soo jeediyoo colaada qabiil iyo dagaal waxaa ka soo gudubnay 1991 dhibaatada cusub aad hureysaan ka daaya, riyada lixda gobol waa idinkoo soo jeeda oo socda, waxaa leeyahay Shariif Xasan in ka maamul ahaan in aan wax iska warsano waaye ee ma ahan in banaan bax la dhigo, calamo la gubo iyo sawiro la gubo, saddex gobol ee maamulkaas cid kasta wada dega ee kuwaada u cadaalad sameey”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalka hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ka doodayeen mooshin ka dhan ah baarlamaanka maamulka Jubba.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!