Axmed Madoobe iyo Gaas oo Muqdisho yimid iyo Shariifka oo soo socda

by admin | Wednesday, Feb 4, 2015

Muqdisho; HN;- Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweynta wafdiga ka qeyb qaatay xubno ka tirsan sii hayayaasha golaha wasiirada iyo xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa kasoo amba baxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

MadaxWaxaa sidoo kale Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas isagoona ka soo ambabaxay magaalada Garoowe, waxaa isagana si heer sare ah u soo dhaweeyey madax ka kala tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka.

Waxaa la sugayaa madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan oo isaguna dhawaan imaan doona magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumey sedexda mas’uul, sababta ayaana lagu sheegay sidii qorshe mideysan looga yeelan lahaa sanadka 2016-ka xili uu jiro dib u dhac balaaran oo ku aaddan hiigsiga ah in doorashooyin ay dalka ka dhacaan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!