Axmed Madoobe ”Khaliifka DF iyo Jubbaland saameyn ku yeellan doonto hiigsiga 2016

by admin | Friday, Jun 19, 2015

Kismaayo : HN :–Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Axmed Maxamed Islaam ”Axmed Madoobe” ayaa kahadlay kulan uu shalay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland kula qaatay wakiilka gaarka ah ee xoaxmed-madoobe-6ghayaha guud ee Qaramada Midoobey Uqaabilsan arrimaha Soomaaliya Nickolas Kay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in danjiraha ay ka wada hadleen khilaafka dowladda federalka ah iyo maamulka Jubbaland ka dhexeeya iyo sidii arrimahaasi aysan saamayn ugu yeelan lahayn Hiigsiga 2016 ee Soomaaliya lagu gaarsiinayo doorashooyin xor ah.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in iyaga iyo wakiilku ay ku heshiiyeen in khilaafkaasi uusan wax saamayn ah kuyeelan hiigsiga 2016ka, maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland-na uu diyaar ugu noqon lahaa gaarista hiigsigaasi.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!