Axmed Madoobe oo Addis Ababa kula shiray mas’uuliyiin ka ka tirsan dowladda Itoobiya

by admin | Wednesday, Dec 10, 2014

Addis Ababa : HN :– Madaxweynaha dowlad-gobolledka Jubba-land,Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo u waheliyo madaxweyne ku-xigeenka koobad iyo mas’uuliyin ka tirsan maamulka ayaa magaalada Addis Ababa kula shiray madaxda Itoobiya.

Madaxda Jubba waxaa ay la shireen wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya,Dr.Tedros Adhanom iyo madaxwynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Max’uud Cumar.

Waxaa la sheegay madaxda inay ka wada-hadleen xiriirka labada dhinac iyo xaaladda amni guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Jubbaland,Axmed Madoobe ayaana warbixin ka siiyay madaxda Itoobiya xaaladda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulanka hadal uu ka jeediyay waxuu ka hadlay guusha laga gaadhay dhaqan-gelintii qodobadiiAxmedmadobee heshiiskii Addis Ababa wuxuuna sheegay in natiijadii dhaqan gelinta heshiiskii Addis Ababa ay maanta ka muuqato Kismaayo oo ay si wanaagsan uga socdaan adeegyadii looga baahnaa maamulka Jubbaland iyadoo ay xafiisyadii iyo hay’adihii kala duwanaa ee dowligii ahaa ay furan yihiin.

Axmed Madoobe wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday inay socoto qorshe lagu midaynayo ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda faderaalka Soomaaliya,qorshahaan dowladda faderaalka iyo maamulka Jubba ay iska gacan-siinayaan.

Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa boqaadiyay dadaalka uu maamulka Jubba wado,waxuuna faray in madaxda maamulka ay ka shaqeeyaan midnimada dadka degga gobollada iyo adkeynta amniga.

Wsiirrka arrimaha dibada ayaa sheegay in maamulka ay ka saacidi doonan kaabayaasha dowladda iyo sugida amniga,iyadoo lala dagaallamayo kooxda Al-shabaab oo khatar ku ah amniga gobollada.

Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa had’yado guddoonsiiyay madaxweynaha Jubba-land Sheekh Axmed Madoobe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!