Axmed Madoobe oo cafis u fidiyay maxaabiis ku xirneyd xabsiga magaalada Kismaayo

by admin | Thursday, Jul 9, 2015

Kismaayo : HN :–Hogaamiyaha maamulka Jubba ee ka dhisan magaalada Kismaayo Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe0 ayaa xafis fidiyay in ka badan 150 maxaabiis ah kuwaa oo ku xirnaa xabsiyada magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa cafiskan ku sababeeyay fadliga tobanka dambe ee bisha Ramadaan in uu uaxmed-madoobe-6 sameeyay isagoo ka codsaday maxaabiista inay ka waantoobaan dambiyada lagu soo xirey.

Maxaabiistaan oo markii hore galay dambiyo fud-fudud ayaa ayaa waxay ka mahadceliyeen cafiska loo fidiyey bisha Ramadaan.

Maamulka Jubba ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan cafis u fidiya maxaabiista aan dambiyada waaweyn oo haysan.

Xabsiyada ku yaal dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku xiran maxaabiis u badan dhalinyaro kuwaasoo qaarkood aan la geyn maxkamado sharci ah halka kuwa kalana uu ku dhacay xabsiyo kala duwan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!