Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo

by wadani | Friday, Dec 18, 2015

Kismaayo : HN :– Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kaddib markii ay ka qeyb-galleen shirkii ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka degay garoonka Magaalada Kismaayo waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay imatinka5Madaxweeyne ku xigeenka Jubaland Xubno ka tirsan labada Gole, Siyaasiyiin iyo qeybo kamid ah Bulshada rayidka.

Madaxweynaha oo garoonka kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in shirarkii ka socday Muqdisho ay guul kasoo gaaren, waxa uuna shacabka Kismaayo ugu bishaareeyay in shirka soo socda ay iyaga marti galindoonaan.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in ay guul u tahay in Kismaayo lagu qabto shirka kama danbeysta ee aaya ka talinta dalka, kaa oo looga arinsan doono hannaanka kama danbeysta ee ay u dhici doonto doorashada dalka ee sanadda 2016.

Ugu danbeyntii 10-ka bisha Janaayo ee sanadda 2016 ayaa lagu wadaa in Kismaayo ay isugu yimaadaan madaxda dalka si ay uga arinsadaan aayaha dalka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!