Axmed Madoobe oo kulamo kula yeelanaya magaalada Nairobi beesha caalamka

by admin | Sunday, Jan 4, 2015

Kismaayo : HN :– Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa maanta ka anbabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi, halkaasoo sidda la sheegay uu kulamo kula qaadan doono mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka.

“Ujeedka safarka waxaa uu la xiriira sidii uu madaxweynaha ula shiri lahaa beesha caalamka,”ayuu yiri mas’uul ka tirsan maamulka Jubba oo inta ku daray inuu kala hadli doono arrimo la xiriira sidii ay Jubbaland gacan uga siin lahaayeen dagaalka Al-shabaab iyo dhamaystirka maamulka.

Midowga Yurub,IGAD iyo xubno ka mid ah beesha caalamka ayaa shir Kismaayo ka dhacay waxaa ay maamulka Jubba52ami u ballan-qaadeen inay taageeri doonan si uu maamulka ku dhameystirmo.

“Arrinta uu kala hadli doono beesha caalamka waxaa ka mid ah ballan-qaadkoodii ahaa sidii ay u bixin lahaayeen miisaaniyada ugu horreeyso ee ay dowladdu ku shaqeynayo,”ayuu yiri sarkaal u hadlayay maamulka Jubbaland.

Maamulka ayaa dadaal ku bixinaya sidii uu isugu ballaarin lahaa dhammanba deegaannada ay Al-shabaab maamullan,sidoo kale waxaa socda sidii loo dhameystiri lahaa golayaasha dowladda oo u baarlamaanka ugu horreeyo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!