Axmed Madoobe oo lacag ugu deeqay abaarta ka jirta Jubbooyinka iyo Gedo

by admin | Saturday, Sep 27, 2014

Kismaayo : HN :– Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe]  ayaa warbahinta u sheegay in lacag dhan $ 50,000 oo doolarka Mareykanka ah uu ugu deeqay dadka ay baarta ku dhuftay ee ka dhaqan qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in deeqda lacagta uu ugu talagalay in si horudhac ah biyo iyo raashinAxmad Madoobe --- loogu iibiyo dadka ay abaartu saameysay, isagoo xusay in abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ay ka jirta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay inay sameeyeen guddi qaabilsan wax ka qabashada abaarta, oo ka kooban wasiirro iyo ganacsato, kaas oo la doonayo inuu si deg-deg ah ula tacaalo xaaladda abaarta ee gobolka.

Wuxuu u jeediyay hay’adaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya inay gargaar deg-deg ah la soo gaaraan dhibbaneyaasha abaarta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!