Axmed Madoobe oo markii saddexaad la siiyay waqti uu ku soo dhiso gollaha wasiirrada

by wadani | Wednesday, Dec 30, 2015

Kismaayo : HN :–Kaddib kulan ay maanta ku yeesheen xubnaha baarlamaanka Jubbaland magaalada Kismaayo ayaa looga dooday codsi uga yimid madaxweynaha maamulka oo dalbaday in mar kale la siiyo waqti uu ku soo dhiso gollaha wasiirrada maamulkiisa.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Cabdi Max’ed C/raxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 50-xildhibaan, waxaana inta aysan codeynta bilaaban karhor dood dheer oo aad u kulul galay mudaneyaasha oo si weyn uga dooday Waqti kor-dhinta iyo arinta kale ee ahayd in mudanuhu kamid noqon karo golaha wasiirada.

Guddoonka baarlamanka ayaa ugu horreyn cod u qaaday in muddo seddex bilood ah loogu kordhiyo axmed-madoobe-6Madaxweeynaha, waxaana ogolaaday 49 Mudane, halka hal mudane kalena uu ka aamusay.

Sidoo kale waxa ay xildhibaanadu isku raaceen in mudanaha ka tirsan baarlamaanka uu ka mid noqon karo golaha wasiirada, arintaa oo iyana la meelmariyay.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay gudoomiyaha habdhowrka baarlamanka Jubbaland, Bashiir Maxamed Baahale, wuxuuna sheegay in xildhibaanadu ay meelmariyeen labadii arimood ee laga doodayay.

Bashir Baahale ayaa yiri.“Kaddib markii golaha baarlamaanka uu fiiriyay, marxaladihii iyo caqabadihii soo food saaray madaxweynaha mudadii ka dhamaatay ee loo baahnaa inuu ku soo dhiso, golaha ayaa si wadajir u ansixiyay in mudo 90 cisho ah loogu kordhiyo.”

Ugu dambeyn, muddada sedexda bilood ah ee ay siiyeen xildhibaanada baarlamaanka ayaa la filayaa in Madaxweynuhu kusoo dhiso golihiisa wasiirada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!