Axmed Madoobe” Puntland waa in ay aqbashaa jiritaanka maamulka Galmudug

by wadani | Tuesday, Dec 8, 2015

Muqdisho : HN :-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe ] ayaa sheegay in maamulka Puntland looga baahan yahay inay aqoonsadaan maamulka Galmudug, isagoo sidoo kale maamulka Galmudug ay iyaguna ix-tiraamto Puntland maadaama uu yahay maamul iyaga ka horreeyay dhanka dhismaha.

”Puntland waa maamul-gobaleedkii ugu horreeyay 18-sanno ayna jirtaa, marka waxaa laga rabaa inay maamul kastaaxmed-madoobe-6 oo dhashay gadaasheeda inay gardaadiso oo horumarkooda ay ka saqeyso. Waana khasab maamulka Galmudug inay la shaqeeyaan Puntland oo ay walaalo iyo darisba yihiin; isla markaana iyaga ka horreeyay. Puntland iyadana waxaa khasab ku ah inay aqoonsato maamulka ay raiska yihiin ee Galmdug; lana shaqeynayaan oo aysan iska indho-tirin jirtaanka Galmudug, maamul walbana waxaa laga rabaa inay waddada dhabta ah ee ay leeyihiin maraan,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland oo ka mid ah ergadii nabadeynta u tagay magaalada Gaalkacyo ayaa xusay in si hoose loo dhameeyay khilaafkii ka dhex-taagnaa maamulkiisa iyo maamulka Koonfur-galbeed Somalia.

“Waxaan filayaa maamulka Jubbaland ayaa ugu badneyd waxa hadda la jiid-jiido, waanan kasoo gudubnay, waa dhaweyd Shariifka ayaa wax naga sheeganayay; isagana hoos baan uga heshiinnay wixii khilaaf ah ee inoo dhexeeyay,” ayuu Axmed Madoobe mar kale yiri.

Ugu dambeyn, maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inaysan aqoonsanayn maamulka Galmudug, inkastoo 02-dii bishaan December madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug la isugu keenay kulan ay heshiis ku kala saxiixdeen.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!