Baaritaan lagu sameynayo saraakiil la sheegay in ay ku lug lahaayeen dagaalkii Beledweyne

by wadani | Sunday, Dec 27, 2015

Beledweyne : HN :-  Saraakiil ka tirsan maxkamada ciidammada qalabka sidda oo gaaray magaalada Beledweyne  ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan wararka ku saabsan in saraakiil ka tirsan ciidammada dowladda Soomaaliya ku lug lahaayeen dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Beledweyne.

G/dhexe Xassan Cali Shuute guddoomiyaha maxkamada darrajada koowaad oo hogaaminaya saraakiisha ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ujeedka ay u yimaadeen magaalada uu yahay sidii ay u baari lahaayeen waxa ka jira eedeymo la xiriira in ciidamada dowladda ka qeyb qaateen dagaaladii dhowaan dhacay.

“Waxaan halkan u joogna in aan baarno waxa ka jira in ciidammo ka tirsan dowladda qeyb ka ahayeen dagaal shuutebeelleedkii dhawaan ka dhacay magaalada Beledweyne”ayuu yiri Shuute.

Saraakiil ka socota Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta ka bilaabaya magaalada Beledweyn baaritaanka la xiriira arrintan, waxayna kormeeri doonaan goobihii dhowaan lagu dagaalamay, iyagoo wax ka weydiinaya dadkii rayidka ahaa ee lagu dul dagaalamay.

Ugu danbeyntii, waa markii ugu horeysay oo ay maxkamada ciidammada sameyso baaritaankan oo kale, iyadoo horay u jireen warar sheegayay in ciidamada dowladda ay dagaalada ka dhaca gobolada dalka ay hab beeleed ahaan ugu qeyb galaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!