Baarlamaanka oo ku gacan-seyray taallabadii lagu wareejiyay xaruntii Ex baarlamaanka

by wadani | Saturday, Dec 12, 2015

Muqdisho : HN :–Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay tallaabadii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ku wareejiyay Xaruntii Ex Baarlamaan, iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah.

Kulan xildhibaanada Baarlamaanka uu iminka ku leeyahay xarunta Golaha shacabka ayaa lagu soo hadal qaaday wareejintii Guddoomiyaha Gobolka ku wareejiyay xaruntii Ex Baarlamaan, taasoo lagu wareejiyay Milkiilaha Telefishinka Universal.20151212635855058257630179Xaruntii_Hore_ee_Baarlamaanka_Somalia (1)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Yuusuf Xuseen ayaa fagaare ka sheegay inay ku wareejiyeen Xarunta Ex Baarlamaan Milkiliilaha Universal iyo kooxdiisa, si ay meel loo soo dalxiis tago uga dhigaan

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin, isla markaana go’aan ka qaadanayaan tallaabada Ganacsato loogu wareejiyay Ex Baarlamaan, isla markaana lagu balansanaa in xarunta dib u dayactir lagu sameeyo

Kulanka uu wali socda ayaa laga yabaa in marka danbe guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya u saari guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya arinta.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!