Baarlamaanka maamulka Jubba oo ku dhawaaqay in aysan aqoosaneyn dowladda dhexe

by admin | Sunday, Jun 7, 2015

Kismaayo : HN :– Kaddib kulan deg deg ah oo ay maanta magaalada Kismaayo ku yeesheen xildhibannada baarlamaanka maamulka Jubba, ayeey isku raaceen kuna dhawaaqeen in wixii hadda ka danbeeya aysan aqoosaneyn dowladda dhexe.

Fadhi deg deg ah oo ay isagu yimaadeen xildhibaannada Jubbaland waxaa ay cod u qaadeen wada-shaqeynta faderaalka,waxaana dhammaan ay u codeeyeen inay kalsoonida kala noqdaan dowladda dhexe.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland,Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa fadhiga baarlamaanka ka sheegay dowladda faderaalka inay diidan tahay isku tashi ay gaareen dadka reer Jubbaland.

“Waxan nahay dad tashadan,waxaana naloo diidan-yahay isku tashiga an gaarnay,waxaana leenahay waan jirna waana isbaarlamaan-jubaland-1024x576 xukuna,waxaana nahay dowlad-gobolleed xoog leh,”ayuu yiri guddoomiya baarlamaanka Jubbaland.

54 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Jubbaland kuwaaso kalfadhiga joogay waxaa ay si isku mid ah codka ugu qaadeen inaysan dowladda dhexe la shaqeyn ka rin oo ay kalsoonadii kala noqdeen,sida uu shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland.

“Maanta waxii ka dambeeya wax wada shaqeyn ah nagama dhaxeyso dowladda faderaalka hadey na diideen annaga waan diinday,”ayuu ku daray hadalkiisa guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland.

Hadalka baarlamaanka Jubbaland waxuu imaanaya ka gadal markii fadhi ay shalay yeesheen xildhibaannada faderaalka ay ku sheegeen sharci darro in loo dhisay baarlamaanka Jubbaland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!