Baarlamaanka oo ka doodanaya hindise sharciyeedka guddiga doorashada ee madaxabanaan

by admin | Wednesday, Jan 28, 2015

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamaanka ayaa maanta ka doodaya hindise sharciyeedka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka,sida uu sheegay xidlhibaan,Maxamed Cumar.

Fadhiga maanta ayaa qorshuhu yahay in looga hadlo akhrinta saddexaad ee Hindise sharciyeedka Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Madaxa banaan.

Marka la gaaro sanadka 2016 ayaa qorshuhu yahay dalka inay ka qabsoonto doorashadii ugu horreeysay oo si cod ah ay shacabka ugu20141224635550079429763030IMG_2060 qayb-gali doonan,Waxaana qabsoomida doorashada waqti galin doono beesha caalamka oo Soomaaliya taageerta.

Xildhibaan Cumar oo ka tirsan baarlamaanka faderaalka Soomaaliya ayaa radiyaha dowladda u sheegay in ajandaha kulanka uu yahay akhrinta saddexaad ee hindise sharciyeedkan , isagoo intaa ku daray in ajandahan uu shalay baaqday, maantana laga doodi doono.

“Ajandaha akhrinta saddexaad ee Hindise sharciyeedka Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Madaxa banaan waxaan rajeyneynaa in maanta laga doodo, runtii wixii kalo oo dheeri ah, guddoonka ayaan ka sugeynaa in uu Xildhibaannada u soo gudbiyo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Ugu danbeyntii xildhibaannada ayaa fasax galaya marka la gaaro bisha dambe saddexdee balse ka hor waxaa la filaya sharciyo badan inay meel mariyaan,halka sidoo kale ay dhowrayso an sixinta golaha xukuumadda oo u ra’iisul wasaaraha xalay qayb ku dhawaaqay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!