Baarlamaanka oo ka dooday arrimaha doorashooyinka

by admin | Saturday, Dec 27, 2014

Muqdisho : HN :–Fadhi xubnaha gollaha baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen  xarunta gollaha shacabka ayeey kaga doodeen arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka baarlamaanka Somalia, xildhibaan, Cabdi Cali Xasan ayaa xildhibaannadii kulanka goobjoogga ka ahaa ka hor-akhriyay qorshaha dhismaha guddiga doorshooyinka dalka, muhiimadda uu leeyahay iyo marxaladihii uu soo maray sharciga dhismaha guddigan tan iyo markii la dhisay oo ahayd 19-kii bishii May ee sannadkan 2014-ka.

“Mudane guddoomiye, iyadoo laga duulayo baahida loo qabo dhaqan siyaasadeed ku qotoma rabitaanka dadkaxildhib Soomaaliyeed, iyadoo dastuurka federaalka uu na-farayo sida ku cad qodobka 47-aad iyo qodobka 111-aad xarafkiisa (J) farqadiisa saddexaad oo ah in baarlamaanku diyaariyo xeerka guddiga doorashooyinka, si dalka looga xaqiijiyo nidaam dimuqraadi ah iyo inay doorasho dhacdo,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka.

Sidoo kale, xildhibaan Cabdi Cali ayaa sheegay in sidoo kale qorshahan uu ka mid yahay in la abuuro jawi ay ku dhismi karaan xisbiyo siyaasadeed, iyadoo la doonayo inay kalsooni ka raadsadaan shacabka Soomaaliyeed.

“Taas awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in lasoo bandhigo xeerka lagu dhisayo guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka si loo hubiyo inay dalka ka dhacaan doorashooyin xor ah,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka oo la hadlayay xildhibaannada ayaa digniin kama dambeys ah u diray xildhibaannada ka maqnaada inta badan kulammada guddiyadu ay Muqdisho ku yeeshaan.

“Xildhibaannada ka maqnaada kulammada guddiga joogtada ah waxaan u sheegayaa in lala xisaabtami doono hadda kaddib haddii uu hal kulan ka maqnaado. Waayo kulammada guddiyada waa ka muhiimsan yihiin kuwa uu baarlamaanku yeesho guddiyadu; waa halka laga quudiyo baarlamaanka,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Ugu dambeyn, Prof. Jawaari ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka uu horay ugu wargeliyay inay soo gudbiyaan magaca xildhibaankii ka maqnaada kulammadooda gaarka ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!