Baarlamaanka oo ka doodaya sharciga ilaalinta xuduudaha

by wadani | Saturday, Dec 5, 2015

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanayo kulan xasaasi ah oo ay uga hadlayaan ajandayaal uu ka mid yahay sharciga ilaalinta xaduudaha.

Shirciga ayaa maraya aqrintiisii koowaad oo ay dhageysanayaan xildhibaannada baarlamaanka, halka sidoo kale baarlamaanka isla fadhiga ay maanta leeyihiin la horgeyn doono sharciga iibka qaranka iyo qandaraasyada oo asna mari doona akhrinta saddexaad.

“Baarlamaanka kulan kooda maanta waxaa looga hadlaya labada sharci ee kala ah,ilaalinta xaduudaha dalka iyoKulanka-Baarlamaanka-soomaaliya-allsomali24-com iibka qaranka iyo qandaraasyadda,waana la akhrin doona,”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo baaralamaanka ka tirsan.

Sharciga ilaalinta xaduudaha ayaa ku soo aadaya xilli uu taagan-yahay muran dhanka xadka ah oo muddooyinkan u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Kenya,mana jirto ciidamo gaar ah oo Soomaaliya u ilaaliya xadka ay la wadagto dalalka dariska ah,waana kuwa iska furan oo ay cid walba ka soo gudubto.

Ugu danbeyntii, dalka Soomaaliya malaha ciidammo xoog badan oo militari ah, waxaana taasi ay ka dhigtay in ay furnaadan dhammaanba xaduudaha Soomaaliya,maaddama uu hadda ka soo kabanayo dalku labatan iyo shan sanno oo u colaad ku soo dhex jiray.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!