Baarlamaanka oo ku guul-dareystay in uu cod u qaado mooshinka dhismaha baarlamaanka Jubba

by admin | Saturday, May 23, 2015

Muqdisho : HN : Iyadoo maanta lagu wadday in mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya codka u qaadaan mooshin ka dhan ahaa dhismaha baarlamaanka maamulka Jubba oo xildhibaannada qaar saluugsanaayeen, ayaa waxaa fashil ku yimid qorshihii ahaa in mooshin cod loo qaado.

Sababta keentay in lagu guul-dareysto cod u qaadista mooshinka, ayaa lagu sheegay in ay soo xaadir waayeen tiradii loo baahnaa marka la doonayo in ajandi cod la galliyo.

Fadhiga ayaa markii hore ku furmay tiro dhan 158 oo saamixi laheyd in codka la qaado ayaa markii lagu dhawaaday in la bilaabo cod uxil qaadista mooshinka waxaa fadhiga ka baxay xildhibaanno dhowr ah, taasoo keentay in uu fashilmo mooshinka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa dhinaca kale xildhibaannada ka hor sheegay in ay soo gaartay warqad codsi ah oo ka socta ra’iisal wasaaraha oo dalbanayay in dib loo dhigo mooshinka si xal kama danbeys ah oo looga gaaro muranka ka jira dhismaha baarlamaanka maamulka Jubba.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in fadhigan midka xiga la isugu imaan doono, si codsiga ra’iisul wasaaraha loogu codeeyo, waxaana hadii la diido ay noqoneysaa in dib loo dhigo codeyntii mooshinka ka dhanka ah dhismaha baarlamaanka Jubbaland.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!