Baarlamaanka oo maanta ka doodaya hanti-dhowrka qaranka iyo xeerka doorashooyinka

by admin | Tuesday, Jan 27, 2015

Muqdisho; HN;- Mudaneyaasha baarlamaanka ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, ayagoo uga hadli doona sharciyada Hanti-dhowrka qaranka iyo Xeerka doorashooyinka.

Xildhibaanada ayaa la sheegayaa in akhrinta saddexaad ay marayaan labadaasi sharci, ayna suurta gal tahay in isla maanta ay  cod u qaadaan xildhibaanaddu.

Guddiyada maaliyadda iyo doorashooyinka ee baarlamaanka ayaa gacanta ku hayaha labadan sharci oo lagu soo daray aragtiyadii ka soo baxay akhrintii 1aad iyo 2aad ee ay mudaneyaasha baarlamaanku horay ugu sameeyeen xeerarkaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa horay xildhibaanada uga codasaday in kalfadhigaan lagu meel mariyo labadan sharci oo muhiim u ah dalka xilligaan la doonayo in 2016-ka doorasho laga qabto waddanka oo dhan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!