Baarlamaanka oo meel mariyay dhismaha guddiga doorashooyinka madaxa-banaan

by admin | Wednesday, Feb 11, 2015

Muqdisho : HN :–Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka uu ku howl geli doono guddiga doorashooyinka madaxa banaan.

Hindise sharciyeedkan oo marxalado kala duwan soo maray, isla markaana Xildhibaanadu ay si adag uga doodeen ayaa ugu dambeyn maanta cod gacan taag ah lagu ansixiyay.

Kulankan oo ay soo xaadireen 144 mudane ayaa waxaa ogolaatay 113 xildhibaan, halka 21 xildhibaan diiday, waxaana ka aamusayXildhibaannada_baarlamaanka_Somalia 10-xildhibaan, sidaasna uu Gudoonka ku tilmaamay in sharcigan ansax yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixi doono hindise sharciyeedkan uu ku howl geli doono Guddiga doorashooyinka madaxa banaan, iyadoo inta aanu dhamaan sanadkan soo magacaabi doono Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan.

Soomaaliya ayaa la rajeynayaa inay sanadka 2016 ka dhacdo doorasho xor ah, waxaana aad u daneynaya Beesha Caalamka, balse waxaa jira caqabado badan oo ku hor-gudban oo ay ugu weyn tahay ammaanka.

Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka ayaa maanta la soo xiray, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay galeen fasax, inkastoo bishii hore ay aheyd in Baarlamaanka fasax galo, balse dib ugu dhacay ansixin la’aantii Xukuumadda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!