Baarlamaanka oo sameynaya gudi la dagaalama musuq-maasuqa

by Yahye | Wednesday, Jan 14, 2015

Muqdisho; HN;- Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa go’aamiyay in la sameeyo guddi Baarlamaani ah oo la dagalama musuq-maasuqa ka dib markii 19 Wasaaradood oo ka mid ah Wasaradaha Dowlada Soomaaliya lagu helay Masuq masuq.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la sameeyo guddi Baarlamaani ah oo ka hortaga masuq maasuqa isla markaana ay sahlanaato in si dhaw loola xisaabtamo Masuuliyiinta Dowlada ee si qaldan u isticmaala Hantida Shacabka.

Dhawaan ayay ahayd markii Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir uu Baarlamaanka ka hor sheegay 19 Wasaaradood oo ka mid ah 25-kii Wasaaradood ee Xukuumadii C/weli Sheekh Axmed maxamed lagu helay Masuq maasuq iyo iney si gaar ah u isticmaaleen Hantida Qaranka.

Dhanka Kale Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in codka kalsoonida loo qaado Golaha Wasiirada Cusub si loo meel mariyo ama loo diido taasi oo keentay kala aragti duwanaansho soo kala dhaxgashay qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya.

17-ka bishaan ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka la horkeeno Golaha Wasiiarada Cusub ee Xukuumadda Raysal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo Magaabista ka dib ay ku kala aragti duwanaadeen Xildhibaada Baarlamaaabka Soomaaliya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!