Baarlamaanka oo ugu danbeyn sugaya xukuumada ra’iisal wasaare Sharma’arke

by admin | Thursday, Feb 5, 2015

Muqdisho : HN :– Iyadoo aad moodo in uu waqtiga ka sii dhamaanayo ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo tiro labo jeer ah dib ula noqday xukuumad uu soo dhisay ayaa ugu danbeyntii ilaa maalinta Isniiinta ah laga fillayaa in uu baarlamanka hor keeno xubnaha gollihiisa wasiirrada.

31-Janaayo ayeey aheyd markii uu ra’iisal wasaaraha ka dalbaday baarlamaanka in ay siiyaan mudo 10 cisho ah oo uu dib u eegis ugu sameeyo gollaha wasiirrada ka kooban 20-ka wasiir una soo dhameystiro xubnaha ka dhiman xukuumadiisa.

Waxaa lagu waddaa in ra’iisal wasaaruhu maalinta bari ah ilaa laga gaarayo maalinta Axada  uguunnamed-26 danbeyntii uu ku dhawaaqo xubnihiisa gollaha wasirrada oo ka koobnan doona 25 wasiir, ku-xigeenno, iyo wasiiro-dowlayaal lamana og in ay xukuumada cusub ay qeyb ka noqon doonaan xubnaha gollaha baarlamaanka.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in markan ra’iisal wasaaruhu damacsan yahay in uu xukuumada ku soo diro xubno ka tirsan gollaha baarlamaanka soo loo yareeyo cadaadiska ba’an ee xukuumadiisa uga imanaya dhinaca baarlamaanka.

Dad badan ayaa aaminsan in 20ka wasiir ee hadda magacaaban lagu sameyn doono isku shaandheyn ballaaran lana kala qaadi doono wasiirrado hadda isku dul-raran, waxaana soo baxaya cabasho beelaha qaar ay ka muujinayaan wasaaradihii loo magacaabay oo ay leeyihiin ma’aha kuwo aan u qalanno in lala siiyo.

Lama oga nooca xukuumada mar saddexaad uu soo bandhigi doono ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!