Baarlamaanka Puntland oo soo saaray go’aamo ka dhan ah dowladda Soomaaliya

by admin | Sunday, Jul 12, 2015

Garoowe:HN :–Dood maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Garoowe uga soctay xubnaha gollaha baarlamaanka maamul gobolleedka Puntland,ayaa ugu danbeyntii laga soo saaray ilaa shan qodob oo marka dhamaantood la eego ka dhan ah dowladda federaalka.

Go’aannada ay Baarlamaanka Puntland Gaareen ayaa waxay kala yihiin;

  1. Baarlamaanka Puntland Wuxuu go’aan ku gaaray in dastuurka lixda saxiix leh iyo Xoghayaha guud ee QM ooBaarlamaanka_Puntland_Somalia Maqraati ka ahaa uu yahay dastuurka rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aysan sharci ahayn.
  2. Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in xeerarka baarlamaanka federaalku Ansixiyay ee aan laga tashan Puntland aysan xeerarkaasi sharci ahayn, kana shaqayn karin dhulka Puntland iyadoo loo raacayo qodobka 111 ee dastuurka.
  3. Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aamiyay inaysan sharci ahayn saddexda Guddi ee soo socda:
  4. Gudiga dib u eegista Dastuurka Dowladda Federaalka Somalia.
    B.   Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.
    C.   Gudiga Xuduudaha iyo Arimaha Federaalka.
  5. Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in dhismaha dowlad-gobaleed aan Waafaqsanayn Dastuurka federaalka qodobka 50-aad farqadiisa lixaad oo ah labo gobalka iyo wixii ka badan aysan Puntland aqoon sanayn.
  6. Baarlamaanka Puntland wuxuu dib u eegis ku samaynayaa Kal-fadhiga Bisha soo socota ee Oktoobar, 2015, haddii Dowladda Federalka ku adkaysato wax ka badalka Dastuurka & Heshiisyada la galay Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ka gaari doonaa sii wada-shaqaynta Dowladda dhexe ee Somalia.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!