Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyada 2015-ka

by admin | Wednesday, Dec 31, 2014

Muqdisho : HN :–Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay miisaaniyadda sannadka 2015-ka ay dowladdu ku shaqeyn doonto, taasoo ay maalmihii lasoo dhaafay ka doodayeen.

Warbixin ku saabsan miinsaaniyaddan oo ka badan tii sannadkii dhamaadka ah ee 2014-ka ayaa laga dhageystay guddiga maaliyadda baarlamaanka kaa oo sheegay inuu inay wax ka bedel ku sameeyeen miisaaniyadda 2015-ka. Iyadoo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar ayaa xildhibaannada furay inay cod u qaadaan miisaaniyadda.

Dood adag kaddib ayay xildhibaannadu cod u qaadeen iyadoo ay ogolaadeen 148-xildhibaan, halka ay diideen sagaalxildhibaanno gacan mudane, waxaana ka aamusay shan mudane oo keliya, iyadoo guddoonku uu ku dhawaaqay in miisaaniyaddu ay tahay ansax.

Miisaaniyadda 2015-ka ay ku shaqeynayso dowladda Somalia ayaa gaaraysa 239.9 milyan oo doollarka Mareykanka ah, waxaana ay miisaaniyaddan aad uga badan tahay miisaaniyaddii sannadkan dhammaadka ah ee 2014-ka.

Kulanka lagu ansixiyay miisaaniyadda sannadkan 2015-ka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa sii hayaha xilka wasiir-u-dowlaha wasaarada C/llaahi Maxamed Nuur. Isagoo markii miisaaniyada 2015-ka la ansixiyay u mahadceliyay ayaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Jeylaani Nuur Iikar oo kulanka shir-guddoominayay ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyaddu ay ansax tahay, isgaoo sheegay in kulankaan kiisa xiga uu dhici doono marka la galo sannadka cusub ee 2015-ka.

Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyadda 2015-ka oo gaaraysa 239.9 milyan oo doollar, ayaa inta badan loo qoondeeyay adeegga maamulka, iyadoo qaabka loo qoondeeyay ay kala tahay; 43.1% waxaa lagu bixinayaa ammaanka iyo difaaca, 36.8% waxaa lagu bixinayaa adeegyada bulshada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!