Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay sharciga kaluumeysiga dalka

by admin | Saturday, Oct 25, 2014

Muqdisho : HN :– Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ogolaaday ama meel-mariyay sharciga kalluumeysiga oo ay horay ugu gudbisay wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar ayaa shir-guddoominayay kulanka baarlamaanka oo ay soo xaadireen 144 xildhibaan.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in sharciga loo qaaday cod gacan-taag ah, waxaana ansixiyay 140 mudane, waxaa diiday 2 mudane,barka_7 waxaana ka aamusay labo mudane oo kale.

Natiijada markii uu ku dhawaaqay ayuu xaqiijiyay in uu sharcigaas ansax yahay oo ay soo gudbisay wasaarrada kaluumeysiga dalka.

Dhinaca kale, xildhibaannada ayaa guda gallay akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka hanti dhowrka guud ee qaranka oo la fillayo in isaga cod la galiyay maalmaha soo socda.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!