Baarlamaanka Soomaaliya oo ansiyay guddiga doorashooyinka Qaranka

by admin | Monday, Jul 6, 2015

Muqdisho : HN :–Fadhi mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayeey ku ansixiyeen guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka, iyadoo codeyntu ay ahayd mid qarsoodi ah, iyadoo ay ku sugnaayeen kulanka 187 xildhibaan.

Sida uu qabo sharciga xubin kasta oo ka tirsan Guddiga wuxuu Ansaxu Noqonayaa marka ay hesho 94-cod, waxaana codadka u kalaKulankii_Baarlamaanka_Maanta-12 heleen sidan;

  1. Siciid Xaashi Warsame, wuxuu heley 124 cod
    2. Maxamed Xasan Thaani, wuxuu heley 120 cod
    3. Xuseen Cabdi Aaden, wuxuu heley 119 cod
    4. Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu heley 129 cod
    5. Maxamed Axmed Nuur, wuxuu heley 117 cod
    6. C/rixmaan Cismaan Dirir, wuxuu heley 128 cod
    7. Maxamed Daahir Maxamuud, wuxuu heley 127 cod
    8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxaa ay heshay 102 cod
    9. Khadiijo Cosoble Cali, waxaa ay heshay 119 cod.

Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa soo xushay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, iyadoo kal hore Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen isla markaana loo soo gudbiyay baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!