Baarlamaanka Soomaaliya oo codka kalsoonida u qaadaya maanta xukuumada RW Cabdiwali

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

Muqdisho : HN :- Xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta oo Sabti yeellanaya kulan ujeedadiisu tahay siddii codka kalsoonida loogu weydiin lahaa xukuumada uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, kaddib markii maalmihii ugu danbeeyay xildhibannadu ka doodayeen mooshinka ka dhanka ahaa xukuumada.

Labada garab ee Xildhibaanada ayaa shalay shirar gaar gaar ah oo ay ku tabaabusheysanayeen kulanka saaka ku yeeshay Hotelada Muqdisho, waxaana kulamadaas daba socda olole xoog leh oo lagu kala jiidanayay xildhibaanada.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa horay u sheegay in labada gelin maanta la shaqeyn doono, si loo soo afjaro mooshinka mudada hor-yaala& Baarlamaanka, waxaana la filayaa in Xildhibaanada hartay inay ka doodaan ay hadlaan.

Ammaanka Xarunta Golaha shacabka ayaa ah mid xiran, waxaana wadooyinka qaar la soo dhoobay ciidamo sugaya ammaanka, kuwaasoo dadka iyo gaadiidka u diidaya inay isticlaamaan wadada.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay Xukuumada ayaa sheegaya inay rajo ka qabaan in codka kalsoonida ay u diidaan Xukuumada, halka Xildhibaanada kale ee ka soo horjeeda ay iyaguna rajo ka muujiyaan inay badbaadin doonin.

Go’aanka Baarlamaanka uu qaadan doono ayaa aad looga dhursugayaa, iyadoo dad badan ay isha ku hayaan natiijada maanta ka soo bixi doonto.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!