Baarlamaanka Soomaaliya oo ka shiraya hindise sharciyeedka Isgaarsiinta

by admin | Monday, Aug 3, 2015

Muqdisho : HN :–Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa kulan ay ku yeellanayaan magaallada Muqdisho waxaa ay kaga doodayaan hindise sharciyeedka Isgaarsiinta.xil

Xildhibaan Max’ed Cumar oo ah habdhowraha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in gollaha laga hor akhrin doono hindise sharciyeedka isgaarsiinta dalka oo ay baarlamaanka soo hordhigeen guddiga warfaafinta ee baarlamaanka, kaasi oo mari doono akhrinta labaad.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay in hindise sharciyeedkan uu baaqday dhowr jeer oo hore, isla markaana uu maanta mari doono akhrinta labaad.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka howlgala shirkado isgaarsiineed oo gaar ah iyadoo shirkadaha Isgaarsiintuna ay yihiin kuwo ku faafay dalka oo idil.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!