Baarlamaanka Soomaaliya oo ka shiraya miisaaniyada Lixda bilood

by wadani | Saturday, Jul 15, 2017

Muqdisho : HN :-Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya miisaaniyada lixda bilood ee soo socota, kaddib markii arbacadii la soo dhaafay loo qeybiyay nuqulo ka mid ah miisaaniyadda.

Miisaaniyada lixda bilood ayaa la sheegay inay ka badan tahay miisaaniyaddii hore, waxaana jira su’aalo badan oo laga keenayo qaabka lagu saleeyay miisaaniyaddan oo la sheegayo in qaladaad badan uu ka jiro.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa soo akhristay 48-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo maanta oo sabti ahna ay ka doodayaan, waxaana jiri doona Xildhibaano is qora oo ka fal celiya waxyaabaha ay ka tabanayaan ee qaladaadka ku jira miisaaniyadda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa la filayaa in laga weydiiyo su’aalo la xiriira miisaaniyadan, waxaana marka la soo gaba gabeeyo lagu wadaa in cod loo qaado.

Dalka ayaa xilligan wax miisaaniyad laheyn, iyadoo la is weydiinayo sida dowladda ay u maareyneyso dhaqaalaha, maadaama bishii tagtay ee June uu ku ekaa miisaaniyadii dowladda.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah