Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta go’aan ka gaaraya muranka ka taagan dhismaha B maamulka Jubba

by admin | Saturday, Jun 6, 2015

Muqdisho : HN :–Mudanayayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta laga sugaya inay go’aan ka gaaran cod u qaadista mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka Jubbaland oo ku dhawaad saddex jeer u baaqday kooran la’aan.

Saddexda mar ee baarlamaanka la horkeenay mooshinlkan waxuu wayay tiradii loogu tala galay oo soo xaadiri weyday,taaso sabab u noqatay inan cod loo qaadin.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xog-heynada baarlamaanka faderaalka ayaa sheegay in maanta mooshinkaas cod loobarlamaanka a qaadayo, isla markaana ay rajeynayaan in kooramka uu buuxsamo.

“Maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 6 june waxaa jira kulanka baarlamaanka, ajandahaha wuxuu ka kooban yahay sida la socotaa waxaa golaha dhex yaalay mooshin laga soo dooday, lana sugayo in loo codeeyo, mana suura gelin sababo kooramka loogu tala galay oo aan la helin mooshinka maamulka Jubbaland”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar.

Waxuu sheegay codeynta mooshinkan inay ku imaan karto marka la helo 139 oo xildhibaan,waxuuna sheegay inay rajeynayaan maanta tiro inta la’eg inay soo xaadirto si mooshinka go’aan cad looga gaaro.

Dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa horay u sheegtay baarlamaanka dowladda dhexe haddii ay u codeeyaan mooshinka ka dhanka ah xildhibaannada cusub ee Jubbaland inay ka firsan doonan xiriirka kala dhexe xukuumadda Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhammaadkii toddobadkan magacaabay illaa tobon wasiir oo la fadhisan doonan dadka diidan baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo hoggaamiyaasha maamulka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!