Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka dooday miisaaniyada sanadka 2015-ka

by admin | Sunday, Dec 28, 2014

Muqdisho : HN :– Kaddib kulan ay maanta yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayeey kaga doodeen miisaaniyadda dowladda ee sannadka soo socda 2015-ka, waxaana shirka guddoominayay guddmooiye ku xigeenka labaad baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa warbixin ka dhegeystay guddiga golaha baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan dhinaca maaliyadda oo gacanta ku haya miisaaniyadda sanadka 2015-ka, taasoo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddig maalliyadda baarlamaanka, xildhibaan Suleebaan Maxamed Sheekh Daahir oo kulanka kabarka_7 hadlay ayaa shaaciyay in guddigu uu wax ka bedel ku sameeyay miisaaniyadda kaddib markii ay daraasad iyo dib u eegis ku sameeyeen miisaaniyadda, balse ay u baahan tahay in waqti intaa ka badan oo lagu sameeyo dib u eegis.

Intaa kaddib qaar ka mid ah xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhiibtay fikradahooda miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto sannadka soo socda.

Ugu dambeyn, Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir-guddoominaayay oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in doodda miisaaniyadda ay sii socon doonto berri, isagoo xusay in barlamaanka uu u yeeray sii hayaha xilka wasiirka maaliyaddda Soomaaliya iyo agaasimaha wasaaraddaas si wax looga weydiiyo miisaaniyadda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!