Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta u codeynaya hindise sharciyeedka doorashooyinka

by admin | Wednesday, Feb 4, 2015

Muqdisho : HN :–Xildhibaannada  baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka kaga hadli doono cod u qaadidda hindise sharciyeedka doorashooyinka.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ajandaha maanta uu yahay u codeynta dhismaha guddiga doorashooyinka Madaxa banaan.

“Maanta oo Arbaco ah waxaa jira kulanka baarlamaanka, haddii aan u sii guda galo ajandaha waxa uu yahay u codeynta hindise Xildhibaan-620x264shaciyeedka doorashooyinka, sida aad ka warqabtaan kulankii 32aad ee baarlamaanka ee qabsoomay 28-kii Janaayo waxaa la soo gabo gabeeyay akhrinta saddexaad ee dhismaha doorashooyinka Madaxa banaan, marka maanta iyaga ayaa loo codeynayaa” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay mashuul ku ahaa is hortaaga xukuumadihii ugu danbeeyay ee uu soo dhisay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana marka laga soo tago ansixinta hindise sharciyeedyada baarlamaanka ka war-dhowrayaan dib u eegista Cumar C/rashiid uu ku sameynayo xukuumada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!