Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya fadhigiisii labaad

by wadani | Saturday, Dec 31, 2016

Muqdisho : HN :-Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa Maanta ka doodi doona Xiliga kama dambeysta ah ee la qabanayo Doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ku shiraya Maanta Xarunta Golaha Shacabka,waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaanka Agagaarka Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa noo Xaqiijiyay in Kulanka Maanta lagu qaban doono Guddiyo ka soo shaqeeya Doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana la waqtiyeen doona Xilliga Doorashada Guddoonka.

Sidoo kale Kulanka Maanta ayaa lagu Magacaabi doonaa Afhayeen uu yeesho Baarlamaanka Labada Aqal ee Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa horay ugu baaqday Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya in ay dedejiyaan Doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo tan Madaxweynaha islamarkaana aysan Aqbali doonin Dib u dhac kale oo ku yimaada Doorashada.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!