BAARLAMAANKII SOMALIYA OO HORE U CAQLI BEELAY AYAA HADANA INDHO LA’AAN KU DARSADAY.

by admin | Saturday, Dec 17, 2011

Si looga gudbo khilaafka ragaadiyey habsami u socodkii hawlihii dowlada iyo kuwii baarlamaankaba, sidoo kale isqabqabsiga xubniha ugu sareeyey wadanka oo mar walba soo noqnoqda awgeed ayaanu garanay in hadaanu nahay Baarlamaankii Somalia in aanu u hogaansano heshiiskii Kampala, waxaanuna cod aqlibiyada ku ogolaanay ansixinta go’aankaas oo aanu u aragnay maslaxada iyo xal u helida wadanka somaliya; hadaladaasi waxay ahaayeen qaar ka mida hadalo ka soo yeeray xubno Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

Hadaanan khaldanayn go’aamadii ka soo baxay Kampala waxaa ku jiray qodobo cadaynaya in Baarlamaanku aysan talada wadanka ka qayb qaadan doonin, loona ogolaaday in inta wakhtigooda uga dhiman ay guryahooda mushaharadooda ku qaataan, kaasoo ay ogolaadeen welibana cod aad u tiro badan ay ku ansixiyeen. Waxaa xaqiiqo ah in xiligaas laga bilaabo ay ahaayeen maqaar-saar ama Magac-u-yaal, masiirkii iyo masuuliyadii wadankana ay ku wareejiyeen, Hayada United Nationka oo iyadanu u adeegsanaysa wadamada Afrikada Bari, fulinta iyo maamulida arimaha Soomaaliya.

Waxay Baarlamaankani ogolaadeen in xataa Gudoomiyahooda oo isaga naf-ahaantiisu ka mida xubnahan xilkii laga xayuubiyey, uu gurigiisa iska joogo, mushaharkana ku qaato, sidoo kalena uu magacan maqaar-saar huwanaado. Iyadoo umada Soomaaliyeed ee wax-garadka ahi og tahay in nimankani aysan hayn wax xil ah, wadankiina ku wareejiyeeen dowlado kale oo uu madaxweynena u yahay ergayga UNku u soo dirsadeen ee Mr Mahiga, xubno Xildhibaanana ay u yihiin Wadamada Ugaanda, Keenya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Suudaan IWM.

Shariif Hassan Sheekh Adan wax xil ah oo uu hayey amaba uu hayaa ma jiro ilaa intii ka danbaysay ansixintii heshiiskii Kampala, baarlamaankii uu madaxda u ahaana waa la kala diray marka maxuu yahay xilka uu sheeganayaa? yuu xukumaa? baarlamaankana waxaa loo sheegay inaysan wax awooda lahayn, qof ay mooshin ka keeni karaan ama xil ka qaadi karaana jirin, xataa waraysiyada ay siinayaan warbaahinta ayaa la xadiday, wayna ogolaadeen oo weliba ansixiyeen, maxay tahay awooda ay sheeganayaan ee ay leeyihiin dad baan xil ka qaadnay, ma shalay bay waalaayeen mise maantay wareersan yihiin. Shariif Hassan miyuusan ogayn in maalintii baarlamaanka la kala diray in isaguna xilkii laga qaaday. Waxaa nasiib daro ah in dadka sheeganaya inay wadanka iyo shacabkaba iyagu masuul ka yihiin ay iska garan waayeen khiyaamadii cadayd ee lagu sameeyey. Dadweynaha Soomaaliyeed yaysan u qaadan in maadaama uu weli gudoomiyuhu la kulmayo hayadaha sar-sare ee dalka booqashada ku yimaada uu xilkiisii hayo, balse waxaa dhaba in isaga loogu madax buuxinayo maadaama baalashii uu ku duulayey laga rifay. Shariif Hassan waxaad moodaa inuu hada waxoogaa ka fahmay waxa dhacaya iyo sida loo khiyaameeyey, waana ta keentay in isagoo Gudoomiye baarlamaan sheeganaya uu hadana Itoobiya ka codsado inay Gobolada Bay iyo Bakool u qabato uguna samayso maamul goboleed isaga hoos-taga.

Waxaad moodaa maanta in qaar ka mida xildhibaanadii baarlamaanka oo ay ku jiraan kuwii gudoomiyaha ugu dhow-dhowaa ay hada ku soo hambaabureen in awoodii laga xayuubiyey, wadankiina la doonayo in la qayb-qaybsado haday noqon lahayd bad iyo berriba, taasoo u eg in iyagoo arintaa ka dhiidhinaya ay ka codsadaan gudoomiyahoodii inuu shirarkii baarlamaanka dib u furo, markuu diidayna ay si ku meel gaar ah hawlihiisii u joojiyaan, ilaa ay gaareen inay xilkiiba ka qaadaan, inkastooy u sharaf badnayd inuu ragiisii maqlo oo dib ugu noqdo balse ma uusan yeelin.

Arimahan maalmahan ka dhex aloosan golihii baarlamaanku waxay u eg yihiin inay xilalkii iyo awoodihii laga qaaday doonayaan inay dib u soo ceshedaan si ay shaqo u samaystaan, ma oran karo wadankay wax tar u yihiin maadaama Ummadda Soomaaliyeed aqoon buuxda u leedahay dhibaatada baarlamaankani wadanka geliyeen; kuwaasoon marna laga arag wax wadanka dan iyo xal toona u ah, shacabkuna ka aamin baxeen, balse hadana waxaa suuro gal ah inay helaan aqlibiyad badan oo taageersan hadii ay ka hor yimaadaan qorshayaasha wadanka lagu burburinayo.

Waxaan qoraalkan ku soo gabagabaynayaa Shariif Hassan iyo saaxiibayaalkiiba waxaa la gudboon inay go’aanka aqlibiyada badan ee baarlamaanka u hogaansamaan, lana shaqeeyaan xubnaha cusub, iyagoo isku duubana ay baadi goobaan siday dalkooda wax ugu qaban lahaayeen, awoodoodiina dib ugu soo ceshan lahaayeen, taasna waxaa fure u ah iyagoo go’aankii shirkii Kampala dib uga noqda oo ka soo hor-jeesta, sidoo kalena ka hor yimaadaan qorshahan wadanka lagu kala qayb-qaybinayo ee loogu yeeray “Road Map”, hadii ay sidaas sameeyaana waxaa dhici karta inay kalsoonida shacabka hantaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!