Baarlamanka Soomaaliya oo maanta u codeynaya hishiiska difaaca ee dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga

by admin | Monday, Nov 3, 2014

Muqdisho :: HN :–Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta kulan ay ku yeellanayaan xarunta gobollaha shacabka waxaa ay cod u qaadayaan shirciga difaaca ee dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga

Heshiiskan oo horay loo horgeeyay Baarlamaanka ayaa doodo badan maray, iyadoo Xildhibaanada ay si kulul uga doodeen qaar ka mid ah qodobada heshiiska oo dhigaya Tababaro dowladda Talyaaniga ay siineyso saraakiisha ciidamada iyo qalabeynta ciidamada.

Heshiiskan oo ay gashay Xukuumadii uu hogaaminayay Saacid ayaa hada maraya marxaladii u dambeysay ee uu Baarlamaanka cod ugubarka_7 qaadayo, waxaana lagu wadaa in marka uu soo buuxsamo kooramka Xildhibaanada ay cod u qaadaan.

Ammaanka Xarunta Golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadada hor marta xarunta, halkaasoo lagu arkayay ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid iyo ciidamada AMISOM.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay yeelanayay kulamo is-daba joog ahaa oo ay uga doodayeen hindise sharciyeedyo la hor-geeyay, waxaana dhowaan la filayaa inay guda galaan ka doodista sharciga xeerka la dagaalanka Argagixisada.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!