Badmaaxiin u dhashay dalka Hindiya oo mudo afar sano ah kaddib la sii daayay

by admin | Thursday, Oct 30, 2014

Muqdisho : HN :–Koox burcad badeed Soomaliyeed ah ayaa mudo afar sanno ah kaddib waxaa ay dib xuriyadodii ugu soo celiyeen todobo badmaax oo u dhalatay dalka Hindiya kuwaa oo mudadaa dheer lagu hayay deegaannka Xarardheere.

Badmaaxiintan ayaa tan iyo markii la afduubtay waxaa gacanta ku hayay burcadbadeedda Somalia , iyadoo sii dayntooda ay qayb ka qaateen xubno ka tirsan maamullada gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa laga soo duuliyay badmaaxiintan, halkaasoo shalaybadmaaxiin-hindi-ah lasoo gaarsiiyay, iyadoo aan la ogeyn in kooxihii haystay la siiyay madaxfursho iyo in kale.

Sidoo kale, badmaaxiintan ayaa lagu wadaa in dalkooda loo dhoofiyo, iyadoo sii dayntooda ay imaanayso xilli Qaramada Midoobay ay sheeegtay in dadaal dheer lagu bixiyo sidii lagu sii dayn lahaa badmaaxiin lagu hayso Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaaradda kasoo qaadday badmaaxiintan degmada Dhuuso-mareeb ay ka direen Muqdisho, taasoo qayb ka ah sida ay sheegtay dadaallada lagu doonay in lagu sii daayo la-haystayaasha lagu hayso Soomaaliya oo dhan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!