Bahdilka Maamulka Somaliland Ku Hayo: ‘ Soomaalida Koonfureed’ Waa Taariikh Dhigan‏, WQ: Junlay

by Yahye | Thursday, Jan 1, 2015
WAXAA FACEBOOK oo ah ‘online social network’ ugu wayn aduunka la soo galiyey video laga soo duubay nin Soomaalida Koonfureed, gaar ahaan ka soo jeeda gobolka HIIRAAN – Beletwayne iyo Buula Burde agagaarkeeda, ninkaan oo layiraahod Faysal Ali Warsame ‘Xeefow’agaarkeeda. Sidoo kale, sida ay qoreen shabakada Afsoomaaliga wax ku qora qaarkood, ayaa ku tilmaamay arinta ninkaas, mid naxdin leh, lagana xumaado in ruux Soomaali ah, ay dad Soomali ahi sidaa muuqaalka videogaas ula dhaqmaan.
Ninkaasoo sida Axmed Geele Oday, taliya xabsiga ee magaalada Burco uu sheegay, FACEBOOK TALIYAHA XABSIGA BURCO in ninkaan uu qabo cudurka maskax xanuunka. Ninkaasoo u xirnaa ilaa iyo 8 sanadood, loona haysto dil uu gaystey taariikhdu markay ahayd bishii April 17, 2006, oo qodobka 434 ee sharciga maamulka Somaliland, lagu xakumay mag diyo aha taariikhdu markay ahayd bishii Octobar 26, 2006kii.
Sida ku cad hadaladii Oday, taliya xabsiga ee magaalada BURCO, ee maamumlka Somaliland, ninkaan cidiisa oo ay goobaayeen ilaa iyo intiiuu xirnaa, marnana aysan ku guulaysan, ayaa waxaa la yaab ku noqotey dadka qaar sida ninkaan cidiisa loo wayn karo madaama dad badan oo dadka uu sheegtey degan yihiin degaanada Somaliland. Mida kale, oo dadka ka fajiciseyna waxay tahay in ayakoo og in ninkaan dhimirka looga jiro, hadana ku xukumay mag, taasoo ah mida sababtey in ay QOOL uu ugu jiro.
Waxaase wax laga naxo ah in dad yaqaana ama ay isku degaan ka imaadeen, ay xaqiijiyeen in ninkaan hooyadiis la helay. Waxaase la ogaaday in hooyadiis ay u haysatey in uu wiilkeeda uu ka mid ahaa dadkii tahriibka ugu dhintey badaha aduunka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa QURBOJOOGTA, waqooyiga AMERICA ugu baaqayaa in dowlada Somalialand ay xabsiga ka soo dayso ninkaan xanuusan. Iyadoo wixi la isku leeyahay, gaadaal danbe la iska weydiin karo – ha ahaato magta dilka loo haysto ama asiga xariga 8 sano ah ee uu ku jirey, iyadoo maamulka Somaliland ogaayeen in ninka danbiga loo haysto uu dhimir xanuun uu qabay, waa sida ay uu taliyaha xabsiga BURCO sheegay.
Waxaa soo diray: Mohamed Barre – Junlay ‘BULUF’ qoraa madax banaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!