Baliiska Kenya oo sheegay in ay ka hortageen qarax laga geysan lahaa Mombasa

by Somali | Thursday, Jan 3, 2013

Nairobi : HN :  Saraakiisha Baliiska dowladda Kenya ayaa sheegay in ay fashiliyeen ama is horaag ku sameeyaan qarax rag Soomaali ah damacsanaayeen in ay ka geystaan magalada Mambasa intii lagu guda jiray munaasabadii Ciida Chrismi-ka.

Taliyaha ciidamada nabad-galyada magaalada Mambasa Aggrey Adoli ayaa sheegay in raga doonayay in ay weerarka geystaan ka soo gudbeen xadka dowladda Kenya ay la wadaagto Soomaaliyaa, kadibna ciidamada baliiska gacanta ku dhigeen.

Kenya bilihii ugu danbeeyayba waxaa soo wajahay xaalado amaan darro tii ugu darneyd, waxaa ay marar badan sheegeen in ay fashiliyeen weeraro ay damacsanayeen rag argagixiso ah.

Intii lagu guda jiray maalmaha Ciida Chrismis-ka, waxaa heegan buuxa la galiyay ciidamada nabad-galyada dalka Kenya iyada oo laga baqdin qabay weeraro ay soo qaadaan rag ku xiran ururka Al-Qaacida ama Al-shabaab.

Magaalada Mambasa waxaa ay ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, waxaana la oran karaa waa magaalo dalxiis oo ka mid ah ilaha dhaqaalle oo ay ku tiirsan tahay dowladda Kenya.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!