Bam lagu weeraray ciidammada ilaalada dekeda Boosaaso

by admin | Thursday, Apr 30, 2015

Boosaaso : HN :– Inta la og-yahay hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax xalay ka dhacay afaafka hore ee dekedda magaalada Boosaaso.

Ciidammada ayaa bam-gacmeedka lagu weeraray xili ay ku sugnaayeen bar-kantarool oo qiyaastii labo boqol oo mitir u jirta albaabka weyn ee laga galo dekedda.

Qofka dhintey iyo labada kale ee dhaawacntey ayaa dhammaantood ahaa dad rayid ah oo xilligii qaraxu dhacayey goobta ka ag dhowaa.Boosaaso

Booliska ayaa qaraxa kaddib sameeyey baaritaan muddo kooban socdey, haseyeeshee ma jirto ilaa iyo hadda cid falkaas loo soo qabtey.

Ammaanka magaalada Boosaaso -oo iyadu halbowle u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga Puntland- ayaa soo xumaanayey bilihii u dambeeyey.

Ku dhowaad toban weerar oo isugu jirey qaraxyo iyo weerarro toos ah ayaa afartii bilood ee ugu dambeeyey ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!