Bam lagu weeraray dad ku dibadbaxayay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi

by admin | Saturday, May 23, 2015

Bujumbura : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa sheegaya in rag hubeysan Bam gacmeed ku weerareen dad dibadbax dhigayay oo ka soo horjeeday madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza.

Labo Bam gacmeed ayaa la sheegay in lagu tuuray dad isku soo baxay oo siweyn u diidanaa in madaxweynaha dalkaas mar saddexaad isku soo taago xilka madaxweynaha dalkaas.buku

Taliye kuxigeenka booliska dalkaasi Brundi Godefroid Bizimana ayaa sheegay in kooxaha weerarka geeystay ay bam gacmeedka la eegteen goob ay dadku ku badnaayeen, isagoo sheegay in sedex qof ay ku dhimatay, halka tobonaan kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo.
Rabshadaha iyo xasilooni darrada ka jirta dalkaas, ayaa la leeyahay waxaa ku barakacay dad gaaraya ilaa 110, 000 oo ruux oo maciin biday waddamada dariska ah.
Rabashadaha dalkaas ka jira ayaa sii xoogeystay xili madaxweynaha sidda weyn loo diidan yahay uu ku adkeysanayo in uu mar kale isku soo taagayo doorashada madaxtinimada.
Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!