Bam lagu weeraray xalay idaacada Radio Gaalkacyo ee gobolka Mudug

by admin | Saturday, Jan 17, 2015

Gaalkacyo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa xalay bambaabooyin ku weeraray dhismaha idaacadda Gaalkacyo oo ku taalla xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Agaasimaha Radio Gaalkacyo Cawil Maxamed Cadde oo la hadlayay warbaahinta saaka oo Sabti ah ayaa sheegay in laba bambaano xalay fiidkii dhismaha ay ku shaqeyso idaacadda lagu soo tuuray, kuwaasoo khasaare u geystay qaar ka mid ah qalabka idaacadda.

“Ma garanayno sababta aan bartilmaameedka ugu noqonay kooxaha geysta weerarrada, innaguna ma tabinno wax kaRadio_Gaalkacyo_Mudug_Somalia duwan wararka ay tabiyaan idaacadaha kale ee dalka ka jira,” ayuu yiri Cawil.

Sidoo kale, mar la weydiiyay inay howshoodu sii socon doonto iyo in kale ayuu sheegay inaysan howlaha idaacaddu ay bulshada u hayso u joogsan doonin weerarrada lagu soo qaadayo, isagoo xusay in xirtaa haddii ay wax walba dhacaan ay sii shaqeynayaan.

Waxaa kalooo bambaanooyinka xalay lagu weeraray Radio Gaalkacyo ka hadlay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, iyagoo sheegay inay cambaareynayaa weerarkaas oo ay ku tilmaameen mid ka horimaanay xorriyadda saxaafadda iyo tan hadalka.

“Marka hore waxaan cambaareynayaa, falalka ka dhanka ah xorriyadda warbaahinta iyo tan hadalka oo uu ugu dambeeyay weerarkii xalay lagu qaaday xarunta Radio Gaalkacyo,” ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan oo la hadlayay VOA-da.

“Doorka NUSOJ waa cad yahay waana inuu difaaco xorriyadda saxaafadda iyo tan hadalka, uuna horumariyo suxyfiyiuinta, isla marakana difaaco xuquuqda iyo tan kale oo ah in suxufiyiinta ay xiriirro joogto ah yeeshaan si ay isugu gurmadaan.”

Illaa hadda lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay bambaanooyinkii xalay lagu weeraray xarunta idaacadda Gaalkacyo ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay ka mid tahay idaacadda dhowr idaacadood oo ka howlgala xarunta gobolka Mudug.

Ugu danbeyntii weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo idaacadda Gaalkacyo lagu qaado bishan, iyadoo bambaanooyinkii hore ay laba wariye oo ka mid ah kuwa ka howl-gala idaacaddaas ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!